Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu geystay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku dayey inuu galo xarunta INJ ee uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, wuxuuna isku qarxiyey maqaayad kasoo horjeeda xarunta INJ iyo maamulka magaaladaasi, iyadoo qaraxu dhaliyey qasaare kala duwan.
Qaraxa ayaa la sheegay inay ku dhintay qofkii is-miidaamiyey iyo shan qof oo ku dhaawacmay, waxaana ka mida caruur, waxaana la xiray goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo saraakiisha ay sheegeen inuu qofka is-miidaamiyey doonayey inuu galo xarunta INJ, balse ay uy suurageli weyday.
Maamulka Galmudug iyo kan magaalada Dhuusamareeb ayaan weli ka hadlin qaraxa, waxaana magaalada ka socda howlgal amni oo xoog leh, iyadoo la xiray meelaha laga soo galo magaalada.
Waxaa magaalada Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo halkaasi u jooga dib u dhiska maamulka Galmudug.
