Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilal qorsheysan ay xalay iyo saaka ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo ay sheegatay Alshabaab.
Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi oo ka mida haa Imaamyada Masaajidda Magaalada Muqdsisho gaar ahaan Masjidka Dabaqeynta ee degmada Dharkeynley ayaa xalay la toogtay xilli uu kasoo baxay Masjidla.
Dabley ku hubeysan Bistoolado ayaa Imaanka dilkiisa ka danbeeyay, iyado kadibna goobta ka baxsaday, waxaana markii dambe halkaasi gaaray ciidamada Amniga.
Dilka Sheekha waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha, Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo Qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray Ehelladdii iyo Qaraabadii uu ka baxay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka iyo culimada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa saaka weerar ka dhacay xaafadda SIISII ee degmada Deyniile lagu dilay Jeneraal Cabdullahi Xusen Warsame (Warra)n oo ka tirsanaa saraakiisha milatariga Soomaaliya.
Dableyda dilka geysatay ayaa ku socday Mooto Fekon, waxayna baxsadeen markii ay falkaasi geysteen. Dilalka ka dhacay caasimadda waxaa mas’uuliyadisa sheegtay Alshabaab.
Alshabaab ayaa sheegtay in Sheekh C/casiis uu ka tirsanaaa Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Dowladda Federaalka-ka, halka Jenerala Warran uu hore usoo noqday Taliyaha Guutada 5aad ee ciidamad adowlad, sida lagu uiri qoraalka Alshabaab.
