Monday, June 23, 2025

Faahfaahin: Jeneral Yuusuf Cagey oo lagu dilay Muqdisho & Sarkaalkii Dilkiisa ka danbeeyay oo la qabtay

Faahfaahin dheeraad aha ayaa laga helay Jeneraal ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya oo lagu dilay xerada Damnaayo ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho.

Dilka Jeneral Yuusuf Cali Qasaay oo ku magac dheeraa (Yuusuf Cagey) ayaa dilkiisa waxaa wararka qaar sheegayaan inuu geystay sarkaal kale oo ka tiran ciidamadda xoogga, kaasoo gurigiisa ugu tegay, halkaasoo dilku ka dhacay, waxaana la sheegay inuu kala dhaxeeyay muran dhul oo ay isku haysteen.

Ciidamada Booliska ayaa tegay goobta dilku ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka jeneraalka oo ka mid ahaa saraakiisha ka qeyb qaaday in Muqdisho laga xoreeyo Alshabaab, iyadoo kiiska baaritaan lagu bilaabay, lana xiray sarkaalka loo heysto dilka Jeneraalka.

Hay’adaha Amniga dowladda ayaan weli wax war ah kasoo saarin dilka Jeneraal Yuusuf Cagey, iyadoo uu yahay kiiskii ugu horeeyay ee noociisa ah oo muddooyinkan ka dhaca magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON