Sunday, July 6, 2025

Faahfaahin: Koox hubeysan oo dil ka fulisay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox bistoolado ku hubeysnaa ay galabta dil ka geysteen degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Ansalooti ee degmada Xamarjajab waxaana lagu khaarijiyey askari ka tirsanaa Ciidamada  dowladda oo rasaas lagu furay u geeriyooday, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilka geystay.

Ragga dilka geystay ayaa la sheegay inay wateen Mootada dhugdhugleyda, waxaana goor danbe halkaasi tegay ciidamada amniga oo la sheegay inay cidna u qaban dilkaasi.

Dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ayaa joogto uga dhaca magaalada Muqdisho iyo weli caasimadda ay u murugooneyso dadkii lagu laayey weerarkii ugu danbeeyay ee Maka Almukarama.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON