Sunday, July 13, 2025

FAAHFAAHIN: Koox hubeysan oo toogasho ku dishay Wiil uu dhalay Nabaddoon Caan ah Magaalada Boosaaso

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya Koox hubeysan ay xalay magaaladaasi toogaso ku dishay wiil uu shalay Nabadoon Caanka ka ahaa deegaannada Puntland.

Wiilka la dilay oo ahaa dhalinaro ayaa waxaa dhalay Nabadoon, waxaana lagu magacaabi jiray  Cismaan Axmed Askar, waxaana dilkiisa geystay dabley ku hubeysan Bistoolado oo ku dilay xaafada New Boosaaso, waxayna goobta ka baxsadeen intii aanay soo gaarin ciidamada amniga.

Caaqil Axmed Askari oo nabadoonda Gobolka Bari ayaa sheegay inuusan ogeyn sababta loo dilay wiilkiisa, mana jirto cid weli sheegatay dilkiisa, iyadoo magaalada Boosaaso ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacaan dilalka qorsheysan ee ay sheegtaan Alshabaab iyo Daacish.

Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan dilka nabadoon Cismaan Axmed Askar oo si weyn u saameeyay magaalada Boosaaso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON