Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Koox hubeysan oo Oday Nabaddoon ah ku dishay Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa maanta weerar gaadmo ah ku dishay nabadoon ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Nabadoon Cali Cumar Carraale ayaa lagu toogtay Goob Ganacsi oo uu lahaa gudaha degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falkaasi geysatay.

Nabaddoonka ayaa kasoo jeeda degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Sh/Dhexe, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay Alshabaab oo dadka degaanka uu kasoo jeedo dagaal kula jiraan.

Alshabaab ayaa sheegatay Dilka Nabaddoon Cali Cumar Carraale, waxayna ku tilmaantay nin abaabulay maleeshiyaadka Macaawisleyda ee dagaalka kula jira Gobolka Sh/Dhexe.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay weli Muqdisho ka socdaan dilalka qorsheysan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON