Wararka laga helayo Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in dilal kala duwan ay ka dhaceen magaalada xalay iyo saaka, iyadoo saddex askari siyaabo kala duwan loogu dilay magaaladaasi.
Laba askari ayaa la sheegay in xalay lagu dilay magaalada Boosaaso, kuwasoo ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland, kadib markii askari kale uu rasaas ku furay, kasoo baxsaday marki uu falka dilka ah geystay.
Dhinaca kale askariga ka tirsan Ciidamada Puntland aya isna saakay lagu dilay Magaaladaasi. Askari kale oo dilka geystay ayaa la sheegay inuu muran dhex maray, taasoo keentay inuu rasaas ku furo, goobtana ka baxsado.
Saraakiisha Maamulka Puntland ayaan wax war ah kasoo saarin falalka amni darro ee ka shacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.