Wednesday, July 16, 2025

Faahfaahin ku saabsan Askariyad Boolis ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faahfahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa askariyad Boolis ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dableyda oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan xalay ku weeraray askarigan oo ahayd  haweeneyda ka tirsaneyd Ciidamada Booliiska, laguna magacaabi jiray Ridwaan Salaad, iyadoo markaas ku sugneyd goob ganacsi.

Ciidamo gaaray goobta dilka ka dhacay ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan dableydii falka geystay, waxayna Meydkeeda u qaadeen xarunta CID-da ee baarista dembiyada magaalada Muqdisho.

Waa haweeneydii labaad ee ka tirsan Booliska oo Muqdisho lagu dilo laba toddobad gudahood, waxaana ay u diyaar garoobeysay xuska maalinta asaaska Booliska Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON