Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu caawa halkaasi ka dhacay fal khaarijina ah oo toogasho lagu dilay nin shacab ah.
Dilkan oo ay geysten koox ku hubeysna Bistoolado ayaa Caawa ka dhacay geysteen Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dharkenley, waxaaa ninka la dilay la sheegay inuu goob ganacsi ku lahaa suuqa, halkasoo dableyda ay ku soo weerareen.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu hore uga tirsanaa ciidamada, balse uu ka baxay oo ganacsade noqday, waxaana xilliga falku dhacay la joogtay xaaskiisa oo la sheegay inay isla goobta ku miyir beeshay.
Dadweynaha degaanka ayaa goobta ka qaaday meydka, iyadoo la sheegay inay ciidamada ammaanka halkaasi soo gaarin. waana dilkii labaad ee isla xaafadan ka dhaca oo dhowaan lagu dilay Cali Nuur Shuute oo ahaa aabaha dhalay guddoomiyaha maxkamadda milateriga Soomaliya.