Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aaya sheegay in koox hubeysan ay dil qorsheysan ka fulisay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Kooxda hubeysan ayaa weerar ku qaaday laba nin oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta lagu dilay la qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaale ka tirsan Shirkadda Isgaariinta ugu weyn caasimadda ee Hormuud.
Dableyda dilak geysatay ayaa goobta ka baxsatay, kadib markii ay toogasho ku dileen, labadaasi qof, waxaan markaasi kadib goobta gaaray ciidamada booliska oo howlgal ka fuliyey halkaasi.
Isgoyska Bakaaraha ayaa noqday goobta ugu weyn ee dilalka qorsheysan ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, waxaana marar hore sheegtay dilalkaasi kooxa Daacishta Soomaaliya.
Maalmihii danbe waxaa Muqdisho ka socda olole lagu beegsanayo shaqaalaha mid ka mida shirkadaha isgaarsiinta dalka, iyadoo dhowr qof hore looga dilay qeybo ka mida caasimadda Soomaaliya.