Friday, June 27, 2025

Faahfaahin ku saabsan Madaafiic Saaka laga maqlayo magaalada Muqdisho.

Dhawaqa madaafiic culus ayaa saaka laga maqlayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka ku dhow xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaafiicda la ridayo ayaa weli socda, iyadoo muddo laba saacadood ku dhow si goosgoos ah ay u dhacayeen, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada AMISOM ay sameynayaan tijaabo hub ama dab-rid, waxayna arrintan dadweynaha ku dhalisay cabsi, iyadoo aan wax wargelin ah la siinin.

Dadka u shaqeeya AMISOM iyo Q/Midoobay ayaa laga soo xigtay in AMISOM ay ku wargelisay tababar dabrid ah oo ay sameyn doonaan maanta, kadib markii loo diray farriimo loogu sheegayo Dab-ridka dhici doona.

Lama oga sababta ay AMISOM dabridka uga sameyneyso agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amniga, waxayna madaafiicdan khalkhal geliyeen shacabka, siiba dadka degan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON