Tuesday, July 15, 2025

Faahfaahin ku saabsan Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Faahfaahin dheeraad ah ayaa lagha helayaa dil xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasoo loo geystay nin nabadoon caan ka ahaa magaalada.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Saciid Cawaare, waxaana laba dabley ah ku weerarreen gurigiisa, iyagoo rasaas ku furay, kadibna goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi markii danbe tegay ciidamada Booliska magaalada Boosaaso oo hawlgal ka bilaabeen xaafada uu dilka dhacay.

Wararka aya sheegaya in dad badan oo dhalinyarro ah loo qabtay dilka nabadoonka, iyadoo baaritaan lagu hayo.

Magaalada Boosaaso ayaa ah magaalada ugu weyn ee falalka amni daro iyo khaarijinta ah ay ka dhacaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON