Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin ku saabsan Qarixii lala beegsaday Guddoomiyaha Sh/Hoose & Xaaladda Dhaawiciisa

Faafhaahin dheeraad aha ayaa laga helayaa weerar Qarax miino ah oo lala beegsaday Gaari uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabellaada Hoose Maxamed Ibraahim.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre uu ka badbaaday qaraxa la doonayey in lagu khaarijiyo, isla amrkaana dhaawiciisa uu yahay mid fudud.

Qaraxa oo ahaa miino lagu qarxiyey gaariga uu la socday guddoomiyaha waxaa ku dhintay askari ka mida ilaalada guddoomiyaha Sh/Hoose, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa 20-kii Bishii May 2018 u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ninka lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Barre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON