Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin ku saabsan Weerar lagu qaaday Guriga Sarkaal sare oo ka tirsan NISA

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar xalay lagu qaaday Guriga uu degan yahay Gudoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag Maxamed Cali Jacfar oo hadda ka tirsan Saraakiisha NISA.

Weerarka oo ahaa Bambooyin gacmeed oo lagu tuuray guriga ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac, sida laga soo xigtay dadka degaanka, waxayna wararku sheegeen inay weerarka ku dhinteen laba qof oo kala ahaa Haweeney da’a ah iyo Canug yar, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba kale.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa xaqiijiyey in weerarka ay ku dhinteen Canug Yar iyo Ayeeyadiis oo reerkoodu deris la ahaa Guriga guddoomiye Jacfar e  bambaanooyinka lagu weeraray.

Ilaalada Guriga gudoomiyihii hore ee degmada Howl-Wadaag Maxamed Cali Jacfar oo hadda ah sarkaal ka tirsan ciidamda NISA ayaa rasaas xoog leh furay, iyadoo aan la sheegin wax qasaare ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka Bambooyinka ku qaaday Guriga ay Goobta ka baxsadeen, wasaaradda amniga ayaa sheegtay inay baaritaano wadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON