Faafhaahin dheeraad ah ayaa laga helay Qarax Gaarigiisa loogu xiray qof shacab ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Arday lagu magacaabo Rooble Cabdulaahi Xasan oo ka mida ardayda dhigata Jaamacada Umadda ee magaalada Muqdisho oo ag Jaamcad ay dowladda Soomaaliya leedahay, waxaana uu qaraxu ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho o Jidka Shaqaalaha ee Wadadda Maka Almukarama.
Gaariga ayaa ahaa nooca raaxada ee SPACIO loo yaqaan, waxaana watay ardayga qaraxa loogu xiray ee Rooble Cabdulaahi Xasan oo dhaawac kasoo gaaray, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay haweeney lagu magacaabo Faaduma Maxamed Cali oo goobta xilligaasi mareysay iyadoo saarneed Mooto Bajaaj.
Laba qof ee dhaawaca ah ayaa ladhigay Isbitaallada Muqdisho, iyadoo la sheegay in xaaladoodu degan tahay balse ay culus tahay, waana markii ugu horeysay ee la beegsado arday jaamacad dhigta halka markii hore qaraxya lagu xiri jiray mas’uuliyiinta dowladda.