Monday, January 30, 2023

Faahfaahin laga helay Qaraxyo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo wararkii ugu danbeeyay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qaraxyo waaweyn oo maanta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Qof ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday 4 kalane ay ku dhawacantay, kadib labo qarax oo loo adeegsaday Gawaari ay wadeen is-miidaamiyeyaal oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay Bar koontorool oo ku taalla afka hore ee Buundada Jalalaqsi, halka qaraxa labaad uu ka dhacay Goob u dhow saldhigga ciidamada markii ay rasaas ku fureen ciidamada.

Ad

Burbur xoog leh ayaa qaraxyada kasoo saaray Suuqa degmada Jalalaqsi iyo Iskuulka Xuneyn, iyadoo muuqaallada laga soo qaaday degmada ay muujinayaan qasaare iyo burbur baaxad leh oo Qaraxyada ay dhaliyeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,971FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,971FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!