Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo ka badbaaday Qarax lala beegsaday Gaarigiisa & Alshabaab..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax saakay ka dhacay degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, agagaarka Isgoyska Mariinada.

Qaraxa oo aha Miinada dhulka la dhigo ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamud (Washington), waxaana la sheegay inuu ka badbaaday maareeyaha, halka ay ku dhaawacmeen qaar ka mida ilaaladiisa, sida laga soo xigtay saraakiisha Amniga.

War kaso baxay Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa lala beegsaday Maareeyaha Dekadda oo ay sheegeen inuu si dirqi ah uga badbaaday, Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxa ku dhinteen laba askari oo kamid ilaaladiisa.

Qaraxan ayaa imaanaya saacado yar kadib markii uu xalay qarax is-miidaamin ah ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayey dad u badan dhalinyaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON