Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin: Madaafiic Caawa lagu weeraray Dhuusamareeb xilli ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa madaafiic caawa laga maqlay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo ay ku sugan yihiin madax uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ilaa 10 madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay Garsonka Diyaaradaha iyo qaar ka mida xaafadaha magaalada, waxaana ay socdeen mundo 20 daqiiqo ka badan, iyadoo wararku sheegayaan inay jiraan 4 qof dhaawacyo kasoo gaareen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay degan xaalada Magaalada Dhuusamareeb, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga oo ciidamo badan ku sugan yihiin wadooyinka magaalada. Weerarka ayaa la tuhusan yahay inay qaadeen Alshabaab.

Waxaa Dhuusamareeb ku sugan xilligan Masuuliyiinta sare ee Dowlada Federaalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada K/Galbeed iyo Hirshabeelle, iyadoo la filayo inuu Berri ka furmo shir looga arrinsanayo xal u helida muranka Doorashooyinka 2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON