Nin bistoolad ku hubeysan ayaa saaka dekada Magaalada Boosaaso toogasho ku dilay Agaasimihii Shirkadda P&O eeo hoostagta Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka carbata oo maamusha dekadda Boosaaso.
Agaasimaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa, wuxuuna u dhashay dalka Talyaaniga, isagoo maamule ka ahaa dekadda Boosaaso tan iyo intii lagu wareejiyay shirkadda DP World ee Oktoobar 2017, waxayna wararku sheegayaan in wiil hubeysan oo ka mid ahaa kaluumeystada degaankaasi.
Dilka ayaa ka dhacay suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso ee loo yaqaan Neg-fish oo u dhow Dekadda Boosaaso, kadib markii uu halkaas saakay aroortii tegey Paul Faramosa, waxaana muran u dhaxeeyay maamulka dekadda iyo kalluumeysatada oo loo diiday inay goobtaasi ay kusoo xirtaan doomaha yaryar ee kaluumaystada.
Agaasimaha Paul Anthony Fermosa ayaa dhaawac culus soo gaaray, waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Boosaaso oo uu markii dambe ku geeriyooday, iyadoo ciidamada amniga ay toogteen wiilka dilka geystay, kaasoo dhaawacmay ayna gacanta ku hayaan.
Waxaa kaloo dhaawac soo gaaray laba ka mida ilaalada agaasimaha iyo nin dhalashadiisa ay tahay India oo la shaqeynayey agaasimaha la dilay.
Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo bulshada Gobolka Bari iyo magaalada Boosaaso ay si weyn uga horjeedaan shirkadda DP world ee loo gacan geliyey maamulka Dekadda Boosaaso.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay dilka agaasimihii shirkadda P &O ee dekadda magaalada Boosaaso, iyadoo maamulka Puntland aanu wax war ah kasoo saarin arrintan.