Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Dil ka dhacay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho.
Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa gurigiisa ku weerartay Nabaddoon Maxamed Xassan Nuur Muuse oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga yaqaan degaanka iyo Muqdisho, waxayna ku fureen rasaas.
Dilka Nabadoonka ee ka dhacay Gurigiisa ayaa la sheegay in xilligaasi uu akhrisanayay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxaana u soo galay labada dhalinyaro ah oo markii uu salaamay kadib rasaas ku bilaabay, kadibna goobta ka baxsaday.
Waxaa falkaasi kadib guriga tegay ciidamada Amniga, iyadoo meydka Nabaddoonka la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da ee magaalada Muqdisho.
