Tuesday, July 1, 2025

Dowladda Somaliya oo markii 3-aad laga diiday in laga qaado Xayiraadda Hubka (Ruushka iyo Shiinaha oo..)

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii saddexaad laga diiday codsi ku saabsan in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran mudadda dheer, kadib go’aan sanad kale laghu kordhiyey xayiraadda, howl cusubna loo xil saaray Guddiga la socodka hubka ee UN Monitoring Group.

Kulankii Isniinta ee Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo socday muddo 13 daqiiqo ah ayaan waxba laga soo qaadin dalabka iyo warbixinta dowladda Soomaaliya oo uu jeediyey Wakiilka u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Osman; isagoo ku celceliyay baaqa ah in cunaqabataynta la qaado Dowladda.

Golaha Ammmaanka cusbooneysiiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si looga hortago hubka sharci darrada ah ee la soo dejiyo iyo dhoofinta dhuxusha, waxaa kaloo howsha loo cusboonaysiiyay guddiga khubarada ee Soomaaliya.

Qaraarka 2607 (2021) ayaa waxaa taageeray 13 dowladood, mana jirin dal ka soo horjeestay, waxaase ka amusay dalalka Shiinaha iyo Ruushka). Sida ku cad Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, waxa dib loo cusboonaysiiyay lana balaariyey qodobbada ku qeexan cutubka 15 ee qaraarka 2182 (2014) ilaa 15 November 2022.

Golaha ayaa u fasaxday Dawladaha xubnaha ka ah inay kormeeraan maraakiibta ku sugan badda Soomaaliya iyo badaha dheer ee ku fidsan oo ay ku jiraan badda Carabta iyo Gacanka Faaris, haddii ay jirto sabab macquul ah oo ay aaminsan yihiin inay sidaan Dhuxul, Hub ama qalab milatari, oo ay ku jiraan qaybaha walxaha qarxa.

Dhinaca shaqada Guddiga khubarada Soomaaliya oo dib loo cusboonaysiiyay ilaa 15-ka December 2022, goluhu wuxuu khubarada ka codsaday inay baaritaannada iyo warbixintooda ku daraan arrimaha la xiriira jinsiga.

Wakiilka Ruushka ee Golaha Amniga aya arinjtan ku tilmaantay nidaamka cunaqabataynta ee Soomaaliya; mid loola jeedaa in loogu adeego danaha laba geesoodka ah ee xubnaha Golaha qaarkood ama lagu cadaadiyo dalka ay neceb yihiin, ayna dhinacooda diidanaayeen ereyada ku jira farqada 38, taasoo ku qasbaysa guddiga khubarada in ay horumariyaan arrimaha jinsiga ee loo igmaday iyada oo aan tixgelinayn gaar ahaan waddanka.

Wafdiga Shiinaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumarro la taaban karo oo ku aaddan dib u dhiska qaranka. Dawladdu waxay cusboonaysiisay qorshaheeda kala guurka, taas oo muujinaysa awoodda ay u leedahay in ay si madax-bannaan u qaadato mas’uuliyadda amniga iyo lahaanshaha aayaheeda. Iyadoo laga duulayo codsiga dalka, Goluhu waa in uu wax ka beddelo cunaqabataynta hubka si ay dawladda federaalku u xoojiso awooddeeda amni oo ay u soo celiso hay’adaha dawladda. Waa wax laga xumaado in qaraarku aanu ku jirin hagaajin ku filan.

Wakiilka Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in uu ka xun yahay in sanadkii saddexaad oo xiriir ah aan la tixgelin arrimihii muhiimka ahaa ee dowladda Soomaaliya soo bandhigtay, isagoo cod dheer ku dalbaday in laga qaado cunaqabateynta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON