Waxaa xafadda Sey Biyaano ee degmada Hodon magaalada Muqdisho lagu dilay darawal Mooto bajaaj, kadib markii nin dhar cad ah oo Gaari watay uu rasaas ku furay.
Falkan oo aan noociisa hore loo arag ayey dadka goobjoogga ahaa sheegeen in Mootada ay isku hor goysay Gaari nooca raaxada ah ee Toyota Allion, kadibna uu muran dhex maray wadaha Gaariga iyo darawalka Mootada, taasoo keentay inuu Gaariga kasoo dego isla markaana la soo baxo Bistoolad, halkaasina ku toogto darawalkii Mooto Bajaajta, kadibna uu goobnta isaga dhaqaaqay.
Wararka ayaa sheegaya in meydka Drawalka Mooto Bajaajta halkaasi laga qaaday iyadoo aanay cidna u soo gurman falkaasi dilka bareerka ah, waxaana goobta ka dhowaa ciidamada ilaalada barta Koontrool ee u dhow Isbitaalka Benadir.
Qofka dhar-cadka ahaa ee dilka geystay ayaa wararka qaar sheegeen inuu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda, iyadoo aanay arrintan weli ka hadlin Hay’adaha amniga dowladda iyo maamulka G/banaadir.