Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin: Nin toogasho ku dilay Askari oo gacanta lagu dhigay & Qarax ka dhacay Duleedka…

Qarax loo adeegsaday miinada dhulka la geliyo ayaa Caawa lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayey agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa wararku sheegayaan inay qaraxa kadib fureen rasaas xoog leh, iyagoo ka degay gadiidkii ay la socdeen, waxayna ku faafeen agagaarka goobta qaraxu ka dhacay, waxayna dadka degaanka ay sheegeen inay ciidamo kale oo gurmad ah ay gaareen halkaasi.

Dhinaca kale Nin hubeysan oo fal dil ah u geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu qabtay xaafadda Haanta dheer ee degmad Deyniile, kadib markii uu toogasho ku dilay askariga.

Ciidamo ku soo baxay rasaasta dhacday oo goobta ka ag dhowaa ayaa ku amray ninka dilka geystay inuu hubka dhigo oo is dhiibo, iyadoo markaas kadibna gacanta ku dhigay iyadoo markaas kadib u gacan geliyey Booliska Saldhigga Deyniile.

Taliyaha Saldhiga Booliska Deyniile Xiirey Muxyadiin ayaa sheegay in ninka dilka geystay iyo meydka askariga uu dilay ay geeyeen xarunta dembi baarista ee CID-da.

Degmada Afgooye ayaa sidoo kale waxaa caawa ka dhacay fal dil ah oo koox hubeysan ku toogteen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda o xilligaasi la sheegay inay canshuur ka qaadayeen gawaarida BL ka ee aada magaalada Muqdisho

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Mbaghati ee degmada Afgooye, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falkaasi geysatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON