Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa caawa qarax laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo faafhaahin ka soo baxeyso qaraxaasi, halka uu ka dhacay iyo saameynta uu yeeshay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miino dhulka, kaasoo ka dhacay Dugsiga 21-ka Oktober, degmada Waaberi, una dhow jidka taga Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, lamana soo sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay.

Hay’adaha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaan ka hadlin qaraxa caawa jugtiis laga maqlay qeybo badan oo ka mida caasimadda.

Alshabaab ayaa sii kordhisay qaraxyada Miinooyinka, kadib markii ay si weyn u yaraadeen qaraxyadii Gaadiidka loo adeegsadan jiray ee qaraxyada waaweyn ka geysan jiray magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON