Friday, August 7, 2020
More

    Itoobiya oo shaacisay magacyada Raggii dilay Fannaankii Oromada iyo Kooxda ay ka tirsan yihiin

    Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay magacyada labo Nin oo looga qabtay inay ka dambeeyeen dilkii heesaagii caanka ahaa ee Oromada Haacaaalu Hundessaa, iyadoo uu weli socdo baaritaanka dilkii dalkaasi gilgilay ee fannaankaasi.

    Xeer ilaaliyaha dowladda Federaalka Itoobiya Adanech Abeibe ayaa sheegtay in raggan oo kala ah: Tilahun Yami oo ahaa ninkii xabadda ku riday fannaanka Haacaaluu iyo caawiyihiisii Abdi Alemayehou ay qirteen inay falkaasi ka danbeeyeen.

    Ad

    `Saraakiisha Booliska Itoobiya ayaa laga soo xigtay in ragga dilka fuliyay ay ka amar qaadanayeen koox la yiraahdo “Shane” oo hore uga goosatay Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF.

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore u sheegay in dilka fannaanka uu ahaa qorshe lagu doonayo in dagaal sokeeye looga abuuro Itoobiya, waxaana rabshado ka dhashay dilkiisa ay dhaliyeen inay ku dhintan in ka badan 200 qof.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,488FansLike
    1,846FollowersFollow
    5,563FollowersFollow
    144,488FansLike
    1,846FollowersFollow
    5,563FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!