Saturday, April 20, 2024

Gaari lagu rasaaseeyay Degaan ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe & Darawalkii oo lagu dilay

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo a baxay Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo, xilli uu marayey degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya Dableyda Burcadda ah ee weerarka geysatay ay isbaaro u taallay degaanka Bashaqle, iyadoo Gaari la beegsaday uu ahaa nooca Toyota Landcuiser (Leyla-Calawi), waxaana ku dhintay Darawalkii Gaariga oo lagu magacaabi jiray Farxaan Xersi Wardheere.

Waxaa kaloo weerarka ku dhaawacmay 2 ka mida dadkii la socday Gaariga, iyadoo ay sii kordhayaan Gaadiidka ku socdaala Jidka Xeebta ee Gobolka Sh/Dhexe ee ku sii jeeda Gobolka Mudug, waxaana sidoo kale sii kordhay isbaarooyinka maleeshiyooyinka hubeysan ee jidkaasi ka qowleysta.

Ad

Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabelle iyo Gobolka Sh/Dhexe, waxaana jore jidka Xeebta ugu dhib qabay Gaadiidka isticmaala oo marar badan shaqo joojin sameeyay, iyagoo ka cabanaya isbaarooyin fara badan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON