Monday, July 14, 2025

FAAHFAAHIN: Qarax dad badan 30 Qof ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qasaarihii ugu badnaa ayuu geystay qarax lala beegsaday suuq camiran oo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa loo adeegsaday ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaala degaaka Kaawo Godey ee degmada Wadajir, waxaana hay’adaha ammaanka sheegeen qasaare lixaad leh oo ka dhacay.

Dad ka badan 30 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa iyadoo dhaawac fara badan uu jiro. Dadka ugu badan ee ku dhintay qaraxa ayaa ahaa dad ku sugnaa goob Maqaayad ah oo dad badan ku jireen iyo goob lagu iibiyo Qaadka oo u dhoweyd.

Gaadiidka gurmadka ayaa goobta ka qaaday in ka badan 40 qof oo u badan dhaawac, waxaana dadkii goobta ku sugnaa ay sheegeen inuu ahaa kii ugu qasaaraha badnaa oo lala beegsado goob shacab.

Ma jirto weli cid sheegatay qaraxan, waxaana hore qaraxyada noocan oo kale ah ayaa waxaa ka danbeeyay kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON