Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax is-miidaamin uu ka dhacaymagaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mida caasimadda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu ka dhacay goob Maqaayad ah oo ku taalla degmada Howlwadaag, agagaarka Baar Bulsho oo u dhow, isgoyska Sayidka oo ah bar ciidan oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana hadda soo baxaya faahfaahinta ku saabsan qaraxan oo kii ugu horeeyay ee muddo bilo ah ka dhaca caasimadda.

Dad goobjoogeyaal ahaa ayaa sheegay in Qaraxa uu geystay qof is miidaamiye ahaa oo Maqaayada soo galay, waxaana ka shashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah, waxaana dadka ku dhintay ka mida haweeney la sheegay inay lahayd Maqaayadda iyo laba qof oo kale.

Maqaayada ayaa la sheegay inay ahayd goob laga cunteeyo oo la fariisto, iyadoo ay tegi jireen askar ka tirsan ciidamada dowladda. Waxaa halkaasi gaaray ciidamada dowladda oo xiray goobta uu qaraxu ka dhacay.

LA SOCO FAAHFAAHIN KALE…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON