Monday, July 7, 2025

Faahfaahin: Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday Baar ku yaalla Muqdisho iyo dad badan oo ku…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo Galabtaka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa geystay qof is-miidaamiye ahaa oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuna beegsaday Baar u dhow isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, isagoo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

In ku dhow 10 qof ayaa la sheegay inay qaraxa ku dhinteen oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa Maqaayadda uu qaraxa ka dhacay, waxaana dadka dhintay ka mida qofkii is-miidaamiyaha ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay u badnaayeen dhalinyarro maqaayadda ku badnaan jiray xilliyada qaraxa dhacay, dhimashaduna ay gaartay ilaa 13 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON