Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal 2021 ayaa fadhi ay yeesheen maanta ku doortay Guddoomiye KMG ah oo qabanqaabinaya doorashada guddoonka cusub.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ayaa u doortay Mudane Muuse Geele Yuusuf gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Guddiga, isagoo shaqeyn doona inta la qabanayo doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga.
Muuse Geelle Faroole ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bari ee maamulka Puntland, isagoo Guddiga kasoo galay dhinaca Puntland.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.
Guddoomiyihii hore ee Guddigii la isku khilaafsanaa Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmi isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha cusub.
Musharax ay wataan Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaan u sharxan xilkan. Waxaana Guddoomiyaha cusub oo KMG ah uu qaban doonaa doorashada Guddoonka cusub ee Guddiga.
