Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaar ka mida dad 24-kii ee Alshabaab ay Toogashada ku fulisay dhowan, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen Basaasiin u shaqeeya dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska.
Dadka ay Alshabaab ku toogatay degmada Jilib waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo: C/raxmaan Axmed Maxamed oo da’diisu ahayd 35 sno jir, kaasoo Alshabaab ay ku eedeysay inuu la shaqaynayay hayadda sirdoonka MI5 ee dowladda Ingiriiska iyo inuu ahaa qof aan wax diin ah heysan.
Qirashada uu baahiyey Garsoorka Alshabaab ayaa ahaa inuu ninkan ka tirsanaa Alshabaab, looguna soo dhex daray inuu basaaso, isla markaana uu ahaa nin aan diin heysan oo mulxid ah, dalka ingiriiska isagoo joogana Ingiriiskana uu ku biiray sirdoonka, kana tirsanaa muddo 17 sano ah.
Dadka ay xukunnada Toogashada ah ku fuliso Alshabaab waxaa dhammaantood la sheegaa inay qirteen jaajuusnimo oo ay basaasiin u ahaayeen dowladaha reer Galbeedka ama dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aanay jirin Qareeno u dooda ama inay iyaguna is difaacaan.
“Shaqooyinka aan qabtay waxaa ka mid ahaa inaan ka howlgalay gudaha ingiriiska iyo dalka Lubnaan. Waxaa sanadkii 2006 shaqo la iigu soo diray Somaliya, xilligii maxaakiimta, mar labaad ayaa ka shaqeeyay gudaha Ingiriiska ilaa sanadkii 2012. Waxaan mar kale shaqo la iigu soo diray Soomaaliya oo aan howl ka qabtay. Waxaan ku biiray Alshabaab, waxaana gudbin jiray xogtoda. Xilligii Daacish waxaan aniga iyo Nin kale qabanay howlo aan farriimo ugu direyno dadkii aan naqaanay ee Alshabaab si ay beyco u siiyaan Hoggaamiyaha Daacish.. Kharashka waxaa noo soo diri jiray Sirdoonka Ingiriiska..” Waxaa sidan fagaare ku yaalla degmada Jilib ka akhriyey Garsoorihii Maxkamadda Alshabaab ee degmada Jilib oo soo xiganaya C/raxmaan Axmed oo Alshabaab toogasho ku fulisay 27-kii June 2021.
Waxa kaliya ee kiiskan laga ogyahay ayaa ah in C/raxmaan uu ahaa nin Soomaali Biritish ah oo Soomaaliya yimid sanadkii 2006, markaasoo uu hubka qaatay kana mid ahaan dagaalyahannada maxaakiimta, kadibna uu sanadkii 2012 dib ugu soo laabtay, kuna biiray Alshabaab.
