Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Qarax Is-miidaamin ah oo lagu weerarray Aagga Ciidamada Galmudug ee Bacaadweyn

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay agagaarka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo dhowaan ay ku dagaalameen Alshabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Galmudug.

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday nin Is-miidaamiye ah ayaa weerarray Aagga taliska ciidamada Galmudug ee duleedka magaalada Bacaadweyn. Galmudug ayaa sheegtay in la toogtay Darawalkii is-miidaamiyaha ahaa wax qasaare ahna aanu geysan qaraxa.

Galmudug ayaa sheegtay inay fashilisay weerarka is-miidaaminta ahaa, waxaana War kasoo baxay wasaaradda Amniga maamulkaasi lagu yiri: ““Kooxda argagixisada Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay laga fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay argagixisadu ku doonayeen in ay ku hakiyaan dhaqaaqa ciidamada huwanta ah, balse Alla fadligii waxay ciidamadu qarxiyeen gaarigii dhagarta damacsanaa waxaana goobtii ku dhintay nafti halligihii gaariga qaraxa darawalka ka ahaa”.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay in Qaraxa is-miidaaminta uu geystay qasaare kala duwan; waxaana War kasoo baxay taliska Al-shabaab lagu sheegay inay qaraxa ku dileen ugu yaraan 7 askari, ayna ku gubeen afar gaari oo uu ku jiro gaari uu saaran yahay qoriga Zuuga iyo gaari xamuul ah oo saad u siday ciidamada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON