Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Degmada Balcad iyo Mas’uuliyiin lagu dhaawacay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar Bam oo saaka ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Qaraxa oo ahaa Ban gacmeed lagu weerarray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ayaa waxaa ku dhintay 3 qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale, waxaana dadka dhintay ka mida saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka qaraxa ku dhaawacmay uu ka mid yihiin: guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabeelle.

Ninkii weerarka Bamka ah fuliyey ayaa baxsaday, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabo, waxaana weerarku uu ahaa midkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo muddooyinkan ka dhaca Balcad.

Al-Shabaab ayaa weerararo iyo qaraxyo ka fuliyay gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON