Wararka laga helayo magalada Bosaso ayaa sheegaya inuu qarax Bam ka dhacay wado mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada.
Bam-gacmeed ayaa la sheegay in lagu tuuray ciidamo la socday Gaari, kaasoo marayay xaafadda Masjidu Raxma oo ka mida kuwa ugu mashquulka badan magaalada, waxaana qaraxa Bamka ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
3 qof ayaa la sheegay inay ku dhinten, halka Isbitaalka guud ee Bosaaso ayaa la geeyey 11 qof kael oo dhaawac ah oo u badan askar, ciidamada rasaas ay fureen ayaa sidoo kale la sheegay inay dad shacab ah dhaawac kasoo gaaray.
Weerarka Bam ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Boosaaso ay ka jirto xiisad ka dhalatay canshuur ay kordhisay Puntland, waxaan xiran ganacsiga iyo dekadda Boosaaso.