Friday, July 11, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qarax caawa ka dhacay xaafaddda Ceel Qalo, gaar ahaan Jidka isku xira Isgoyska Soobe iyo degaankaasi, kaasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miino la dhigay Goob wado ah bulsho badan joogeen, waxayna wararku sheegayaan in inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdee dad u badnaa kuiwii wadada marayey iyo qaar la socday Mooto Bajaajyo qaraxa la kulmay.

Waxaa goobta gaaray gaadiidka Gurmadka degdega oo qaaday dhaawacyo ku dhow 6 qof, halku wararku sheegayaan in ilaa 8 qof ay ku dhinteen qaraxa.

Ciidamada Amniga ayaa xiray Goobta Qaraxu ka dhacay oo ah meel mashquul badan. Lama oga Qaraxa in dad gaara lagu beegsaday iyo shacabka loogu talogalay, waxaana qasaraha uu gaaray dadweynihii goobtaasi ku sugnaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON