Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Hotel weyn oo ku yaalla Koonfurta Magaalada, kaasoo ay deganaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Milatariga Dowladda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu qaaday hotel uu deganaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ciidamada Milateriga Soomaaliya Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir, kaasoo wararku sheegayaan inuu ka badbaaday qaraxa, balse uu qasaare kasoo gaartay ciidamo iyo dadweyne.

Waxaa kaloo qaraxa ka badbaaday taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga Dalka Jen. C/casiis Maxamed Qooje. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogqa Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Taliyaha Iyo saraakiishii la socotay ay badbaadeen qaraxa, balse ay ku waxyeeloobeen ciidamo iyo dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.
Taliye C/xamiid ayaa dhowaan waanwaan iyo heshiis dhex dhigay beelo ku dagaalamay Gobolka Mudug oo dad badan iska dilay. iyagoo ku guuleystay inay labadaasi beelood heshiisiiyaan.