Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar bam oo lagu qaaday Saldhig Boolis oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, dhinaca ay maamusho Puntland.
Weerarka oo loo adeegsaday laba Bam gacmeed ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen laba askari iyo qof shacab ah, waxaana baxsaday dadkii ka danbeeyay Bam Gacmeedka lagu weeraray saldhiga Bartamaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo weerarka kadib ay ciidamada howlgal ka bilaabeen agagaarka saldhiga.
Waxaa howlgal ka socdaa magaalada Gaalkacyo, kadib weerarka dhacay, waxaana inta badan weerrarada laga fuliyo magaalada sheegtay Alshabaab.