Qarax Miino ayaa maanta ka dhacay agagaarka suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu haleelay gaari shacab.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay meel u dhow Masjidka Biyamaalow iyo agagaarka saldhiga Booliska degmada Howlwadaag oo dhinaca ku haya suuqa weyn ee Bakaaraha.
Qaraxa ayaa haleelay gaari BL ah oo dad shacab ah ay saarnaayeen, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo loo qaaday isbitaallada Muqdisho, wuxuuna qaraxan qeyb ka ahaa Miinooyinka dhulka la geliyo oo si weyn ugu sii kordhay magaalada Muqdisho.