Monday, July 14, 2025

Faahfaahin Qarax saaka lala beegsaday Kolonyo ka tirsan AMISOM, agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax saaka lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo mareysay Jidka Warshadaha.

Qarax xoog leh oo laga maqlay inta badan magaalada ayaa qabsaday Kolonyada AMISOM oo xilligaasi marayay agagarka Kulliyada Jaalle Siyaad oo u dhow xarunta Wasaaradda Gaashaadhigga Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxu ahaa Bam lagu aasay wadadda dhinaceeda.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhaawac gaarsiiyey mid ka mida gaadiidka ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo wararku sheegayaan in askari ka tirsan milateriga Somaliya uu ku dhintay qaraxa, balse aan la shaacin qasaaraha soo gaaray ciidamada AMISOM.

Dadk degaanka ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay isla goobtii lagu qarxiyay gaari uu watay Jeneraal Goobaanle oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo gaari is-miidaamin ah lagu khaarijiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON