Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qasaaraha ka dhashay.
Weerarka ayaa lala beegsaday ciidamo ilaalo ah oo galbinayey saraakiil caddaan ah oo mareysay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim degmada Hodon, waxaana qaraxa fuliyey is-miidaakiye waday Gaari lagas oo buuxiyey Waxyaabaha qarxa.
Alshabaab ayaa War ay soo saartay ku sheegtay in weerarka qaraxa lagu qaaday saraakiil Caddaan ah iyo ciidamo ilaalo ah oo galbinayeen, kuwaas oo kasoo baxay xerada Tababarka ciidamada ee Jeneraal Goorden, kuna sii jeeday xerada Xalane.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay Afaafka Hore ee Iskuulka Mucaasir oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sare Banaadir uu ahaa Gaariga noociisu yahay NISSAN SURF oo ka yimid dhinaca Tarbuunka, isagoo ku qarxay Baabuur waardiye u ahayd UN-ka ee looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna uu gaarayo 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah.
Qaraxa ayaa ahaa mid xoog leh oo qasaare aad u badan dhaliyey, iyadoo Magaalada Muqdisho ay martigelisay muddooyinkii ugu danbeeyay qaraxyadii ugu badnaa oo is-miidaamin ah.
