Monday, June 23, 2025

Faahfaahin: Qaraxii Saddexaad ee is-miidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax is-miidaamin ah oo ah kii saddexaad oo maanta ka dhaca magaalada Beledweyne.

Qaraxa saddexaad oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, iyadoo lala beegsaday saldhiga booliiska Baladweyne oo ku dhow xerada Lamagalaay oo labadii qarax ee hore lagu qaaday.

Gaariga Qaraxyada siday ee saddexaad ayaa waxaa rasaas ku furay ciidamada ku sugnaa agagaarka Saldhiga Booliska Beledweyne, balse si degdega ayuu ku qarxay, isagoo dhaliyey qasaare kala duwan.

Ad

Qasaaraha Qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa sii kordhay, iyadoo dhimashada ay ku dhowdahay 30 ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin, saraakiil, askar iyo dad shacab ah.

Waa weerarkii ugu tiro badnaa oo gawaari ay wadaan is-miidaamiyeyaal ay Koonfurta Soomaaliya ka fuliyaan Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON