Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Qaraxyo is xigay oo ka dhacay degmada Balcad (Askar lagu dilay iyo Taliye ku dhaawacmay)

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inay laba qarax oo is xigay ka dhaceen bar koontarool oo ku taalla afaafka hore ee xarunta degmada Balcad.

Qaraxyada waxaa u dhintay seddex qof oo mid ka mida uu ka tirsanaa ciidamada, waxaana ku dhaawacmay, 6 askari oo uu ku jiro taliyihii ciidanka ee Barta- Koontaroolka Degmada Balcad markii laba qarax oo is xigay ay ka dhaceen halkaasi, kuwaasoo ahaa miinada dhulka.

Jugta qaraxyada ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Balacad, Waxaana qaraxa koowaad ku dhintay laba dhalinyaro oo ciidamada la joogay barta Koontarool; halka qaraxa labaadna uu dhacay kadib markii dad badan ay kusoo xoomeen goobta.

Dhaawaca Lixda askari oo la sheegay in qaarkood halis yihiin ayaa la geeyay Isbitaallada Muqdisho. Waxaan weerark lagu eedeeyay inay ka danbeysay Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON