Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar hoobiyeyaal ah oo goor dhoweyd lagu qaaday xarunta Madaxtooyada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Villa Somalia.
Saraakiisha caafimadka ayaa sheegtay in qof ku dhintay madaafiicda oo ku dhacday agagaarka madaxtooyada iyo xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley, waxaana jira dhaawacyo ka badan saddex qof oo mid haweeney ahayd dhaawaceeduna ahaa mid culus. Warar kale ayaa dhimashada gaarsiinaya 2 ruux.
Qofka dhintay ayaa ah wiil 6 sano jir ah oo madfac ku habsaday goob uu ku sugnaa. Ciidamada ammaanka dowladda ayaa tegay xaafadaha madaafiicdu ku dhaceen iyagoo kala eryay dadkii shacabka ahaa ee isu soo baxay.
Waa markii labaad muddo bil gudaheed ah oo Madaxtooyada Soomaaliya hoobieyyaal lala eego iyadoo intooda badan ku dhaceen xaafadaha ku dhow madaxtooyada oo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen.
Alshabaab ayaa dib u bilowday inay maalin cad Muqdisho ka dhex rido madaafiic hoobiyeyaal ah, waxayna tani muujineysaa sida ciidamada amniga dowladda u awoodi waayeen inay wax ka qabtaan xaaladan culus.
Goobjoog.com