Friday, April 19, 2024

FAAHFAAHIN: Qasaaraha Qarixii Muqdisho. [Alshabab oo sheegatay & Xukuumadda oo war kasoo saartay…]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qasaaraha ka dhashay Qarax Gaari is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lala beegsada bar koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin agagaarka Taallada Daljirka Dahsoon oo laga ilaaliyo Xabsiga Godka Jilacow.

Waxaa la xaqiijiyaydhimashada 5 qof oo u badana askartii halkaasi ku sugneyd, waxaana dadka dhintay ka mida Faay Cali Raagge oo ahayd sarkaalad ka tirsaneyd ciidamada milateriga & Saygeeda Bishaar Geesey oo isna ahaa Sarkaalbka tirsan Ciidanka sida gaarka ah u Tababaran ee Danab.

oo wada socday oo qaraxau haleelay Gaari ay la socdeen, waxaa kaloo ku dhintay askari ilaalo u ah xildhibaan Maryan Cariif, halka uu ku dhaawacmay xildhibaan C/kariin Shabeel.

Ad

Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mida barakacayaal deganaa xarunta wasaaradii hore ee caafimaadka. Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna sheegtay inay la beegsadeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tisan dowladda Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay xarakada Alshabaab.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa cambaareeyay qaraxa Alshabaab soo maleegtay isagoo sheegay inay banneysteen dhiigga dadka muslmiinta ah ee sooman. Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Bahalnimo ee ay Argagixisadu shacabka u soo maleegayaan bishaan Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON