Monday, July 14, 2025

Faahfaahin & Sawirro: Qasaaraha Qarixii is-miidaaminta ahaa Gaalkacyo oo la shaaciyey & Taliyihii la beegsaday oo ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga bixiyey qasaarihii uu dhaliyey qarax is-miidaamin ah oo xalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, kaasoo lala beegsaday Taliyaha ciidamad Dhulka ee Xoogga dalka iyo saraakiil ka socotay.

Qaraxa uu geystay ruux is-miidaamiye ah oo waday gaari nooca Nissan Surf ah ayaa lagu dhuftay Gaarigii uu la sicday taliyaha ciidamada Dhulka Jen. C/xamiid Maxamed Dirir oo qaraxaasi ka badbaaday, waxaana la xaqiijiyey inay qaraxa ku dhinteen 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen 40 kale, sida uu sheegay duqa magaalada Gaalkacyo qeybta Koonfurta ee Galmudug raacsan Xersi Yuusuf Barre.

Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay markii ay Hotelkii ay deganaayeen ee Five Star ay ka baxeen, isla markaana ay ka badbaadeen, balse ay waxyeello kasoo gaartay dadweyne iyo qaar ka mid askartii la socotay; wuxuuna intaas ku daray inaysan cabsi gelin karin Alshabaab oo dagaal ka dhaxeeyo.

Burbur xoog leh ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay oo ahay meel ay ku ganacsadaan haweenka Qaadka, waxaana dadka dhintay ay u badan yihiin shacab iyadoo laba ka mida ay askar ahaayeen. Alshabaab ayaa sheegtay qaraxa, ayan ku dhisay 9 qof iyo dhaawac 20 kale.

Waxaa saaka goobta qarax ka dhacay ka bilowday howlgal nadaafadeed oo looga qaaday burburka weyn ee halkaasi gaaray.

Image may contain: car and outdoor
Image may contain: outdoor
Image may contain: one or more people, shoes and outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: car and outdoor
Image may contain: one or more people, sky and outdoor
Image may contain: sky, boat and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON