Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Weerar culus oo Alshabaab ku qaaday Saldhiga ciidamada Puntland ee Af-urur

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa laga soo xigtay inay iska caabiyeen weerarka, iyadoo wararku sheegayaan in lagu dilay 2 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, ayna ku dhaawacmeen tiro kale.

Weerarka Alshabaab ayaa ku bilwoday madaafiic lagu garaacay saldhiga ciidamada difaaca Puntland ee degaanka Af-Urur,kadibna ay ciidamada Puntland ka jawaabeen, waxaana rasaas xoog leh laga maqlay degaankaasi.

Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarka duqeynta ku dileen ugu yaraan 8 askari, ayna ku dhaawaceen ciidamo, ayna ku gubeen hal gaari oo ay lahaayeen ciidamada maamulka Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON