Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin: Weerar lagu dilay Askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo ka dhacay Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa koox hubeysan ay dil toogasho ka geystaan magaalada iyadoo dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dilka ayaa ka dhacay Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuq Bacaad, degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir, waxaana dabley hubeysan ay toogasho ku dileen laba askari oo midkood ahaa ciidamada dowladda hoose ee Minishiibiyada, halka askariga kale uu ka tirsanaa ciidamada xasilinta Caasimadda.

Dadka degaanka ka dhowaa ayaa sheegay in labada askari oo lagu toogtay agagaarka Xarunta Premier Bank ee Suuqa Bacaad, in dableyda falka geystay ay degdeg goobta uga baxsadeen intii aysan soo gaarin ciidamada amniga.

Isla Isgoyska Afarta Jardiin ayaa dhowaan lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada minishiibiyada, iyadoo ay baxsadeen kooxdii falkaasi geysatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON