Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar ay koox hubeysan xalay ku qaadeen bar fadhiyaan ciidamada xasilinta ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa ka dhacay suuqa Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, markii dabley wadatay Gaari yar ay rasaas ku fureen ciidamada barta koontaroolka ku sugnaa, kadibna ay baxsadeen.
Rasaas xoog leh ayaa halkaasi ka dhacdy, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada, iyadoo lagu dhaawacay mid kale. Waxaana goobta markii dambe tegay ciidamo gurmad ah.
Kooxda weerarka qaaday oo adeegsatay qaab cusub ayay u suuragashay inay ka baxsadaan ciidanka ay weerareen, waxaana la sheegay in ciidamada ku sugan gudaha magaalada Muqdisho la geliyay heegan.
Alshabaab ayaa sii xoojineysa weerarrada ay magaalada Muqdisho ka geysato, iyadoo aanay muuqan ka awood looga hortageyo.