Saturday, June 28, 2025

Faahfaahin weerarka lagu qaaday Hotelka Village ee Magaalada Boosaaso & Wararkii ugu danbeeyay

Wararkii ugu dambeeyay ee weerar koox hubeysan ku qaaday magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ku dhacay Hotelka Village oo ku yaala dhinaca Koofur Galbeed ee magaalada.

Laba nin oo hubeysay ayaa la sheegay inayu weerarka ka dambeeyeen, waxaana weerarkoodu ku bilowday iyagoo toogasho ku dilay laba ka mida ilaalada hotelka.

Dableyda ayaa la sheegay inuu kadib dagaal kale dhex maray dabley ilaalo u ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari C/sallaan Gallan oo wararku sheegayaan inuu deganaa hotelka, taasoo keentay inay dhintaan laba ka mida ilaalada Gallan.

Dagaal muddo ka socday hotelka ayaa la sheegay in markii dambe la dilay labadii dabley ee weerarka ku qaaday hotelka, waxaana weerarka uu dhacay xilligii salaada subax oo ahaa waqti dhaqdhaqaaqu aad u yar yahay.

Ciidamo badan oo gurmad ah ayaa xiray aagga hotelku ku yaallo, iyadoo xaaladda magaalada ee saaka ay tahay mid kacsan. Meydadka labada nin ee dableyda ah ayaan weli la aqoonsan.

Kooxdaha weerarka soo qaaday ayaan la xaqiijin kooxda ay ka tirsan yihiin, waxaana degaanadaasi ka howlgala kooxaha Alshabaab iyo  Daacish.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON