Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo saaka kdahacay degaanka Hilowle-gaab ee Gobolka Sh/Dhexe, kadib weerar ay ku qaadeen maleeshiyada Alshabaab.
Weerarka ayaa ku bilowday Qarax Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kadibna waxaa ciidamada dowladda iyo Alshabaab dhex maray dagaal toos ah oo muddo socday, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaliyey qasaare badan oo gaaray Alshabaab iyo ciidamada degaanka, waxaana saraakiil iyo ciidamada ku dhintay ka mida Taliye Xasan Cali Indhoole, Cabduqaadir Maxamuud Maxamed (Teesto), Ciise Qooley, Axmed Nuur Shiine, Cali Dhaan iyo xubno kale.
Maleeshiyo Degaanka ee waxyeelada ugu badan kasoo gaartay weerarka Alshabaab ayaa ahaa ciidamada guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho Axmed Caddow Daaci oo qeyb ka ahaa dagaalka Alshabaab.
Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay, degaankaasi ayna ku dishay tobanaan askar ah, laakiin wararka ayaa sheegaya in dib looga saaray, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamo gurmad ah.
